Galkacyo oo maxkamadi markale u fariisatay kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan.

24 November, 2025

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan…

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan oo 12-kii bishan lagu dilay magaalada Gaalkacyo, ayna eedaysanayaal ka yihiin Hodan Maxamuud Diiriye iyo Cabdicasiis Nuur.

Maxkamaddu horey ayay u dhageysatay doodihii Xeer Ilaalinta iyo qareenada difaaca labada eedeysane, waxay maanta si gaar ah u dhegaysanaysaa caddaymaha eedaysane Hodan Maxamuud Diiriye oo xeer ilaalintu sheegtay inay dilka ka dambaysay.

Xeer ilaalinta gobolka Mudug ee Puntland ayaa horay u soo bandhigtay caddeymo muhiim ah oo laga helay taleefanka Hodan, kuwaas oo ahaa muuqaallo muujinaya tacaddiyo iyo jirdil joogto ah oo loo geystey marxuumad Saabiriin Saylaan.

Eedaysane Hodon ayaa maxkamadda horteeda ka sheegtay in ficillada tacaddiga ah ay dhici karaan xilliyo ay miyir-beel ku jirtay, maadaama ay qabto xanuun sababa inay waaydo miyirka.