Xukuumadda Galmudug ayaa ka hadashay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo…

Xukuumadda Galmudug ayaa ka hadashay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo ugu baaqday dowladda Puntland inay culaysyadeeda gudaha si hoose u xalliso aysanna ku eedayn Galmudug.
Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in deegaankoodu uusan noqon karin marin ama goob lagu maareeyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland. Waxay carrabka ku adkeeyeen in Galmudug ay ilaalinayso amnigeeda iyo xasilloonideeda, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo keeni kara xiisad hor leh.
Sidoo kale, Galmudug waxay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan u baahnayn inay dhankeeda u soo marto haddii ay rabto inay gaarto deegaannada Puntland, waxayna ugu baaqday DFS inay si toos ah ula macaamisho Puntland.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan hadallada siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, kadib eedayn kaga timid xukuumadda Puntland oo sheegtay in DFS ay duullaan ku soo qaadday gobolka Mudug.





