29 December, 2019
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan sidoo kale kamid ah hoggaanka Ahlusunna ayaa sheegay…

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan sidoo kale kamid ah hoggaanka Ahlusunna ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dadka kaliya ee sidii la rabey ula dagaalamay Al-Shabaab ay yihiin Ahlusunna welina ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay ka go’an tahay in dagaalka laga saaro Al-Shabaab dowladda Soomaaliyana looga baahan yahay inay garab ku siiso.