Maamulka Galmudug ayaa mamnuucday in dekedda Hobyo laga soo dejiyo gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan Cabdibilaha…

Maamulka Galmudug ayaa mamnuucday in dekedda Hobyo laga soo dejiyo gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan Cabdibilaha iyadoo amarkaasi uu kasoo baxay Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulka Galmudug Aadan Warsame Cilmi. Warka ka soo baxay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in aan la ogolaan doonin in gaadiidka dagaalka ee nooca Toyota 4WD ah laga soo dejin karin marsada Hobyo.
Wasiirka Amniga ayaa faray dhammaan shirkadaha ka ganacsada badeecadaha iyo gaadiidka in aysan keenin gaadiid noocan ah, isagoo sheegay in cidii lagu helo ay la mid noqon doonto kooxaha lagu eedeeyo inay gacan siiyaan argagixisada iyo dambileyaasha.
Amarkan ayaa si toos ah u saameynaya ganacsatada ku hawlan keenista gaadiidka, gaar ahaan kuwa Hobyo badeecadaha ka soo dejiyo, iyadoo lagu wargeliyay in la qaadi doono tallaabo sharci ah haddii ay jebiyaan amarka kasoo baxay wasaaradda.
Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in tallaabadan lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo laga hortagayo in gaadiidka dagaalka lagu isticmaalo falal amni-darro, maadaama ay jiraan cabsi ah in qalabka noocan ah uu u gacan galo kooxaha argagixisada ee ka dagaallama deegaannada Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa dagaal xooggan kula jira kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug iyo Galgaduud, waxaana maamulka uu sheegay in amarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga hubka iyo gaadiidka dagaalka ee si sharci darro ah lagu soo geliyo dalka.




