Ganacsade caan ah oo ku guuleystay kurigisii Saadaq Joon ee golaha shacabka (Hop248)

Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

4 March, 2025

Xildhibaanka ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay GSH 248 kadib doorasho saaka ka dhacday maagalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo xubinnimadii golaha shacabka ku waayay qabashada xilka agaasime ku xigeenka hay’adda NISA ee xilligaa.

Maxamed Cabdi Afweyne ayaa dhowaan laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Belgium oo uu ku xirnaa muddo ka badan 10 sanno.

Horseed Media