Ganacsade u dhashay dalka Suudaan oo lagu magacaabi jiray Cabdalle Suudaani ayaa lagu dilay deegaanka Milxo…

Ganacsade u dhashay dalka Suudaan oo lagu magacaabi jiray Cabdalle Suudaani ayaa lagu dilay deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag, falkaasi oo ay siweyn u cambaareeyeen qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka kunool deegaankaasi.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in Cabdalle Suudaani uu dhaawac kasoo gaaray weerar uu ka dambeeyey mid kamid ah ilaaladiisii gaarka ahayd, isagoo dhaawacaasi u geeriyoodey xilli loo soo qaaday Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Shaqsiga geystey dilka Marxuumka ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah ka bixisay sababta keentay falkaasi iyo haddii ay jiraan dedaalo lagu soo qabanayo shaqsiga ka dambeeyey, si looga gaashaanto falal ammaan xumo oo soo wajahday ganacsatada ajaaniibta ah ee maalgashiga ka sameeyey deegaanka.
Dadka deegaanka Milxo ayaa sheegay in Cabdalle Suudaani uu muddo dheer ku noolaa deegaanka, isla markaana uu halkaas ka waday ganacsiyo kala duwan oo la xiriira qodista, kala shaandhaynta iyo dhoofinta dahabka laga qoto deegaankaasi.




