Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah Isimka guud ee SSC KHATUMO ayaa markii ugu horreysey ka…

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah Isimka guud ee SSC KHATUMO ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda SSC, shirka dhammaystirka, faragelinta DFS iyo arrimo kale.
“Talo meel kale laga soo raray laygu dhaqi maayo, wixii aan 15 sano ka dagaalamay in walaalahay Warsangali lagula dhaqmo yeeli maayo aqbali maayo- Warsangali waa walalaahayo umana quudhno in aan dhahno anagaa idinka xuleynayna waxaan rabno, mana dhacayso kulama dhici karno wixii aan shalay diidnay, kana dagaalnay wax naga suuragalaya maaha, Naga raali ahaada walaalayaal Talo mideysan ayaa rabnaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Waxa uu sheegay in SSC KHAATUMO taladeeda leedahay, meel kalena aan laga go’aamin karin, wuxuuna ka digay ficilada socda ay halis noqon karaan, wuxuuna caddeeyey inuu horay ugu soo joogey been abuuro iyo balanqaadyo aan dhab ahayn.



