Garaad Jaamac Garaad Cali oo labo kala dooran siiyey Somaliland.

26 May, 2025

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada SSC KHATUMO ayaa farriin u diray…

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada SSC KHATUMO ayaa farriin u diray hoggaanka siyaasadda iyo dhaqanka ee guud ahaan deegaamada Maamulka Somaliland oo dirir xooggani ka dhexayso.

Garaadka ayaa dhammaan hoggaanka Somaliland ugu baaqay inay qaataan nabad billaa shuurd ah ayna niyaddooda ka saaraan dib u soo celinta deegaamada SSC KHATUMO, isagoo tilmaamay in taasi aysan nabad iyo colaad midna ku dhici doonin.

“Walaalayaalow labo mid aan idinka helno, Nabad baan ku soo celinaynaa Sool Bari waa hadal liita nabad iyo colaad midna kuma soo celin kartaan SSC, hadaad leedihiin dagaalkii horaa naga xumaaday ee saraakiisha noo soo daaya oo dhaqaaluhu waa nagu xun yahay ee jidka noo fura iyo ganacsiga waa af aannu garan karno, haddii kalena dhulkiina uma soconee kaayaga yuusan hunguri idinka soo gelin”, Ayuu yiri Garaad Jaamac.

DAAWO