Garaad Jaamac Garaad Cali oo shaaciyey xilliga la qabanayo shirka beelaha Harti.

13 May, 2025

Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada SSC KHATUMO ayaa ka soo jawaabey dalabkii madaxweynaha Puntland ee…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada SSC KHATUMO ayaa ka soo jawaabey dalabkii madaxweynaha Puntland ee ku aadanaa shir ay isugu yimaadaan beelihii wada dhistay Puntland.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada SSC KHATUMO ayaa shir uu kaga qaybgalay magaalada Qarbi-daharre ku shaaciyey in shirweynaha KHATUMO kadib ay qaban doonaan shirar muhiim ah.

Waxa uu shaaciyey in shirweynaha SSC KHATUMO kadib ay qaban doonaan shirkii beelaha Harti ayna uga soo gudbi doonaan shir ay isugu imaanayana dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

“Shirkii Harti waa noo diyaar dhawaan ayaan qabanaynaa, waxaa noo xiga Shir Daarood, ka dibna Shir Soomaaliyeed ayaan qabanaynaa in shaa Allaah”, Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.


DAAWO