Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi oo ka qabsoomay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka.
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa ugu yeeray Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed inay midoobaan kuna fara-adaygaan inta yar ee dowladnimada ah aanna la burburin.
“”Soomaaliyeey wixii aynu haysano aan ku fara-adaygno inta inaga maqanna aan doonno, maanta laga bilaabo aan meesha ka saarno aniga iyo annaga oo aan niraahno inaga”, Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Dhankiisa Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah dhaqanka SSC ayaa ugu beesha Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi inay saxdo qaladaadka kajira Muqdisho isagoo su’aal geliyey in dowladnimada Soomaaliya tahay mid midaynaysa dadka Soomaaliyeed.
“Dowladnimada Somalia miyey ina midaysaa mise waa inakala qaybisaa, hawl badan ayaa idiin taalla. Waa laydin soo eegayaa,reerkaa curadka u ahaydeen, wixii qaldanna idinka ayaa la rabaa inaad ka saxdaan”, Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.



