Garaadka Guud ee SSC KHATUMO Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Daa’uud…

Garaadka Guud ee SSC KHATUMO Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed oo Qarbi-dahar Itoobiya kaga qaybgalay caleema-saarka Suldaan Abdimalik Suldaan Maxamuud Suldaan Haybe ayaa wadajir ugu baaqay nabad iyo inaan labada dhinac isku soo xad gudbin.
“Suldaan Daa’uudaw halkaan soo istaagoo gurigaaga uma socdee kaalay Soomaali u caddee inaadan gurigayga duulaan ku ahayn”, Garaadka Guud ee SSC KHATUMO Garaad Jaamac Garaad Cali.
“Inaanan gurigaaga duulaan ku ahayn adiguna kayga aadan duulaan ku ahayn Ilaahay iyo inta afka Soomaaliga ku hadashaaba waa ka markhaanti, waxaana u fadhinaa inaan gacmaha is-qabsano garaad”, Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed.
HOOS KA DAAWO MUUQAAL