Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Maamulka Waqooyi Bari ayaa hadal adag…

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Maamulka Waqooyi Bari ayaa hadal adag ka jeediyey doodaha la xiriira masiirka iyo midnimada Soomaaliya, isagoo si weyn u dhaliilay mas’uuliyiinta ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia oo uu ku eedeeyey inay ka leexdeen caddaaladdii iyo isku dheelitirnaantii laga sugayey.
Garaadka ayaa sheegay in madaxdii loo igmaday inay si caddaalad ah wax ugu qaybiyaan ummadda Soomaaliyeed, balse sida uu hadalka u dhigay ay dhinac iska dhigeen kuwii muddo dheer ku adkeysanayey ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyadoo taas beddelkeeda la soo dhaweeyey dhinacyo uu ku tilmaamay kuwo muddo badan ka horjeeday midnimada dalka.
Sidoo kale, Garaadka ayaa sheegay in Madaxda DFS ay u janjeeraan dhanka Somaliland oo ku doodda inay ka goosatay Somalia inteeda kale, iyagoo uga sed buriyey isla markaana siiyey xuquuqdii ay lahaayeen bulshada kunool deegaamada Maamulka Waqooyi Bari Somalia.
Dhanka kale, Garaadka ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyey dhaliil uu u jeediyey Madaxda Maamulka Waqooyi Bari oo uu sheegay inaysan weli ka quusan Dowladda Federalka ah ee Somalia oo uu sheegay inay ka doorbidday Somaliland.
“Dad waxaa ugu liita ninka umadda Soomaaliyeed wax loogu dhiibey ee si caddaalad ah ugu qaybi layiri ee qadiyey midkii 35 sano ilaalinayey midnimada Soomaaliyeed, soona dhaweystey midka intaas midnimo diidka ahaa oo weliba isagii u sed buriyey oo yiri adigu isku qaado wixii oo dhan laakiin waxaa ka sii liita ninka agfadhiya ee aabbe leh”, Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.




