Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland gaar ahaan gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa ka hadlay…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland gaar ahaan gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa ka hadlay war-saxaafadeed ay ka soo saareen dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday goboladaasi.
Garaad Maxamed Garaad Cabdullaahi Cali (Ciid) oo kamid ahaa isimadii gobolada Sanaag iyo Haylaan ee war-saxaafadeedka soo saaray ayaa sheegay in warkoodu ku dhan yahay in goboladaasi kamid yihiin Puntland isla markaana aysan waxba kala socon ku biirista maamulka SSC KHATUMO.
“Waxaa war-saxaafadeedka ku cad in beesha Warsangeli ee degta gobolada Sanaag iyo Haylaan aanay wax shaqo ah ku lahayn shirka laga abaabulayo KHATUMO wax talo siyaasadeed ahna aysan ku lahayn sida la sheeganayo”, Ayuu yiri Garaad Maxamed Garaad Cabdullaahi Cali (Ciid).
“Maamulka SSC KHATUMO naf iyo dhaqaaleba waa la geliyey wanaaggoodaanu jecel nahay laakiin waxaa mooddaa inay qancinayaan aragti ka geddisan oo ay Muqdisho katimid ayna u madax duuban yihiin, anagu Puntland waxbaannu ka dhisanay dhammaan degmooyinka goboladaasna waxaa ka dhacay doorashadii golayaasha deegaanka Puntland, Warsangelina shir siyaasadeed oo midkii 1998 kama qaybgelin”, Ayuu yiri markale.



