Garaad Wiil-waal oo Laascaanood u gaarey hawlo nabadayn ah.

11 July, 2025

Magaalada Laascanaood ee xarunta gobolka Sool waxaa saacadihii la soo dhaafay gaarey wafuud horleh oo qayb…

Magaalada Laascanaood ee xarunta gobolka Sool waxaa saacadihii la soo dhaafay gaarey wafuud horleh oo qayb ka noqon doonta shirka dhammaystirka dhismaha dowlad goboleedka SSC KHATUMO.

Qaar kamid ah isimada dhaqanka SSC KHATUMO ayaa duleedka Laascaanood ku soo dhaweeyey wafti uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-waal, oo ka soo kicitimay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Gacmo furan ku soo dhawaad waxaad timaadeen magaaladiinii Labaad oo laydinka jecel yahay, in waxaad u socotaan sidii la rabey noqdaan iyo inay si kale noqdaan Alle ayey u tallaa laakiin waa idinka mahadcelinaynaa waqtigiina iyo imaanshihiina”, Ayuu yiri mid kamid ah isimada SSC KHATUMO.

Dhanka kalena, Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-waal ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey,”Dalkayagii iyo dadkayagii ayaan u nimid, hawlihii aan wadnay ee nabadaynta ahaa ayaan u soconaa”.