Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa xaqiijisay in afhayeenkooda garabka hubaysan, oo loo yaqaanay Abu Obeida, iyo Mohammed Sinwar, hoggaamiyihii hore ee kooxda ee Gaza, lagu dilay dagaalkii xasuuqa ee Israa’iil horraantii sanadkan.

Muuqaal la sii daayay maanta oo Isniin ah, al-Qassam, oo ah garabka militariga ee Xamaas, ayaa xaqiijiyay geerida afhayeenkooda muddada dheer waxayna ku dhawaaqeen magacaabista afhayeen cusub.
Tani waa xaqiijinta rasmiga ah ee ugu horreysay ee dhimashada shakhsigii noqday wejiga warbaahinta ee kooxda intii lagu jiray dagaalkii ba’naa ee labada sano ka socday Gaza.
War-saxaafadeedka, afhayeenka cusub ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday aqoonsiga dhabta ah ee Abu Obeida, isagoo sheegay in magaciisa dhabta ah uu ahaa Hudhayfah Samir Abdullah al-Kahlout.
“Waxaan si sharaf leh ugu dhawaaqeynaa shahiidnimada hoggaamiyaha weyn … Abu Obeida,” ayuu yiri.
Milatariga Israa’iil ayaa bishii Maajo sheegay inay dileen Mohammed Sinwar, walaalkii ka yaraa hoggaamiyihii hore ee Xamaas Yahya Sinwar. Saddex bilood kadib, waxay sheegeen in Abu Obeida sidoo kale la dilay.
Al-Qassam, ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhimashada dhowr taliye oo kale oo darajo sare leh, oo ay ku jiraan Mohammed Shabanah, madaxa Guutada Rafah ee kooxda, iyo laba hoggaamiye oo kale, Hakam al-Issa, iyo Raed Saad.
Afhayeenka cusub ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta, isagoo sheegay in kooxdu ay weli ka go’an tahay xabbad joojinta dhaqan gashay laba bilood ka hor, inkastoo uu sheegay “xadgudubyo soo noqnoqda oo Israa’iil ay geysatay”.



