Inta la xaqiijiyey hal ruuxa ayaa ku geeriyodey hawlgal qorshaysan oo ciidanka ammaanka Puntland ka sameeyeen…

Inta la xaqiijiyey hal ruuxa ayaa ku geeriyodey hawlgal qorshaysan oo ciidanka ammaanka Puntland ka sameeyeen degmada xeebta ah ee Garacad, oo maalmihii la soo dhaafay ay gaareen xubno katirsan kooxdii haystey markabkii MV LUTUF ee madax-furasahda lagu sii daayey.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka dekedda leh ee Garacad ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada booliska gaarka ah ee Birmadka Puntland ay weerar ku qaadeen koox la sheegay inay kamid yihiin raggii haystey markabkii u rarnaa dowladda Turkiga ee dhawaan laga sii daayey xeebaha gobolka Nugaal.
Marxuumka ku dhintay hawlgalka ayaa magiciisa lagu soo koobay Bile Galaal, waxaana goobta lagu qabtay tiro kamid ah raggii ay laamaha ammaanka Puntland weerarka ku qaadeen, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay.
Puntland ayaa horay uga digtey shirkadaha iyo dalalka shisheeye inay madax-furasho ka dhiibaan maraakiibta ay qafaashaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay sii dhiirigelinayso falalka liddiga ku ah ammaanka biyaha Soomaaliya oo dhaca goob istaraatiji u ah dhaqaalaha caalamka.
Madaxweyne Deni, oo ka hadlayey Garacad wuxuu sheegay in dowladda oo kaashanaysa waxgaradka deegaanku ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo wax looga qabanayo kooxaha burcad-badeedda ah oo muddooyinkii dambe laba jibbaarey falalka afduubka ah.




