War ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay…

War ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in la bilaabay baaritaan rasmi ah ka dib fal dil ah oo xalay ka dhacay aagga Naaso Hablood ee magaalada Garoowe, Falkan ayaa sababay geerida Khadar Cabdi Yuusuf Nuur oo ahaa darawal mooto-bajaaj, waxaana sida ay warbixinada hordhaca ah sheegeen boolisku dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey kuwaas oo falka ka dib goobta ka baxsaday.
Ciidanka booliska ayaa sheegay in markiiba ay gaareen goobta iyagoo xusay inay ku guuleysteen qabashada dad lagu tuhmayo kiiskan, Waxaa socda baaritaan rasmi ah iyadoo boolisku sheegeen in faahfaahinta rasmiga ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.
“Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan. Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Puntland.
Falkan ayaa kiciyay dareen iyo caro ballaaran oo ay muujiyeen darawallada mooto-bajaajta iyo ehelada marxuumka kuwaas oo banaanbax ku muujiyay codsigooda ah in dowladda iyo laamaha amniga ay cadaaladda horkeeniyaan dadka ka dambeeyay dilkan.



