GAROOWE: Buundo biyihii roobku gooyeen oo dib loo furay.

18 June, 2025

Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa dib u dhistay una daahfurtay Buundada wadada NECSOM ee magaalada…

Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa dib u dhistay una daahfurtay Buundada wadada NECSOM ee magaalada Garoowe taas oo dhawaan biyaha roobku jebiyeen.

Maamulka Gobolka Nugaal, duqa Caasimadda Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuure ayaa maanta dib ufuray Bundada wada NECSOM oo mudo dhowr cisho kadib laga qabtay shaqo balaaran si dadwaynaha iyo Gaadiidku u adeegsadaan.

Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Geedi ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay shaqo balaaran ka qaban doonoto halka ay buundadu kutaal oo wadada labalaarin doono.