GAROOWE: Nin ku eedaysan kufsiga gabdho yaryar oo maxkamad la soo taagey.

21 June, 2025

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dhegaystay kiiska laba gabdhood oo yaryar kuwaas oo…

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dhegaystay kiiska laba gabdhood oo yaryar kuwaas oo dhawaan kufsi loogu geystey duleedka Koonfureed ee Garoowe.

Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal Cabdifatax Cismaan Aadan oo warbaahinta la hadlay garmaqalka kadib ayaa sheegay in maanta ay ahayd dhegaysgii 1aad ee kiiska, isagoo xusay in eedaysane Sharma’arke lagu helay dembiyo hore oo uu geystey.

“Eedaysane Sharma’arke oo loo haysto inuu kufsaday gabdho yaryar, waxaa baarista kiiskiisa ka soo shaacbaxday inuu horay u geystey kiisas kufsiyo ah oo uu sanad iyo bar ka soo maqan yahay xabsiga dhexe ee Garoowe, waxaan soo bandhignay cadaymihii kiiska, dhegaysiga 2aadna wuxuu noqon doonaa maalinta Arbacada ah”, Ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal Cabdifatax Cismaan Aadan.