Qaar kamid ah dhaqanka gobolka Nugaal oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa taageeray soojeedintii qaar…

Qaar kamid ah dhaqanka gobolka Nugaal oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa taageeray soojeedintii qaar kamid ah isimada dahqanka gobolka Bari, ee la xiriirtay dib u tashiga Puntland.
Isimada Garoowe ku hadlay ayaa soo dhaweeyey bayaanka ka soo baxay isimada dhaqanka gobolka Bari, iyagoo taageeray in laysugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo Puntland iyo saami qaybsi cusub, kadib dhismihii maamulka Waqooyi Bari.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase
Suldaan Bashiir Suldaan Carab-duur
Ugaas Cabdijaliil Cali Faarax
Ugaas Cabdisalaan jaamac faarax
Suldaan Subayr Xaaji Maxamud
Baashe Cabdulaahi Maxamud Aw-cismaan
Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda federalka ah ee Somalia iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaamada Puntland inay abaabulayaan dhaqdhaqaaqyada isimada, si meesha looga saaro saamiga gobolada Sanaag iyo Sool.



