Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, barayaal jaamacadeed, dhalinyaro iyo qaar kamid ah labeenta…

Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, barayaal jaamacadeed, dhalinyaro iyo qaar kamid ah labeenta Puntland ayaa maanta Garoowe kaga dhawaaqay gole siyaasadeed oo ka shaqayn doona Puntland iyo guud ahaan Somalia.
Golahaan oo loogu magac daray 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐆𝐂𝐃) ayaa guddoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre oo wareegga ugu dambeeya ay Madaxweyne Deni isla gaareen doorashadii 2024, waxaana ay sheegeen inaysan doorasho u socon laakiin ujeedkoodu yahay samatabixinta siyaasadda, sixidda xukuumadda iyo meelmarinta aragtiyohooda siyaasadeed.
