Garoowe oo lagaga dhawaaqay Golaha caddaaladda iyo dimuquraadiyadda.

Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, barayaal jaamacadeed, dhalinyaro iyo qaar kamid ah labeenta…

9 June, 2025

Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, barayaal jaamacadeed, dhalinyaro iyo qaar kamid ah labeenta Puntland ayaa maanta Garoowe kaga dhawaaqay gole siyaasadeed oo ka shaqayn doona Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Golahaan oo loogu magac daray ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š (๐†๐‚๐ƒ) ayaa guddoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre oo wareegga ugu dambeeya ay Madaxweyne Deni isla gaareen doorashadii 2024, waxaana ay sheegeen inaysan doorasho u socon laakiin ujeedkoodu yahay samatabixinta siyaasadda, sixidda xukuumadda iyo meelmarinta aragtiyohooda siyaasadeed.