Garoowe oo roob-doon ballaaran looga dareeray.

3 November, 2025

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa saaka siweyn looga dareemayaa isu-soobax roob-doon ah, kadib go’aan…

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa saaka siweyn looga dareemayaa isu-soobax roob-doon ah, kadib go’aan Alle bari ah oo ka soo baxay xukuumadda Puntland.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo boqolaal kamid ah shacabka Garoowe ayaa garoonka ciyaaraha Mira-awaare kaga qaybgelaya roob-doon Alle looga baryayo inuu shubo raxmaddiisa, xilli ay yaraaday xaddiga roobkii dayrta ee la saadaalinayey guud ahaan deegaamada Puntland.

Waxaa dhammaan la fasaxay shaqaalaha dowladda, goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada qaar si fursad loogu helo roob-doontaan oo ku soo aadaysa goor uu gabagabo marayo xilli roobaadku.