Garoowe oo siweyn looga taageeray guulaha laga gaarey Daacish.

8 June, 2025

Xubno katirsan golayaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada…

Xubno katirsan golayaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Garoowe ayaa habeenimadii xalay ka qaybgalay isu soo baxyo lagu taageeraayo ciidanka difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira Daacish.

Isu soo baxyadaan oo ka dhacay fagaaraha aargada jidka 30-ka ee Koonfur Galbeed Garoowe ayaa lagu muujiyey sida ay dadweynuhu u taageersan yihiin qabashadii Miiraale, saldhigyadii Baalade iyo guulaha kala ee laga gaarey nabaddiidka Daacish.

Shacabka iyo Mas’uuliyiintii hadlay ayaa dhammaan ciidanka u hambalyeeyey iyagoo caddeeyey inay garab joogaan bilowgii hawlgalka Hillaac ilaa dhammaadka.