Garoowe oo siweyn looga xusay Maalinta Cuntada Adduunka.

16 October, 2025

Madaxweyna Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka, oo…

Madaxweyna Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha loogana hadlay horumarinta Wax-soosaarka Beeraha Puntland.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha Puntland, waxaana hal ku dhigga sanadka loo xushay” Wadajir baynu ku gaari karnaa cunno wanaagsan iyo Mustaqbal wnaaagsan”.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa ku bogaadiyey Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan ka dowlad ahaana ay garab buuxa u yihiin Beeralayda dalka, sidoo kalena socdaan dedaalo dowladdu ugu raadinayso Beeralayda maalgashi balaadhan si ay ula jaan qaadaan Beeralayda gobolka.

Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Maaliyadda, Qorsheynta, Deegaanka, Haweenka, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Bangiga, Agaasimaha Guud ee IMC, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, Hay’addo Caalamiya iyo masuuliyiin kale.