GAROWE: Askari rasaas ku furay gaari ciidan oo khasaare nafeed geystey

24 July, 2025

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo subaxnimadii hore ee…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Weerarkaan oo ay ku geeriyoodeen laba ruux oo mid kamid ah askari yahay ayna ku dhaawacmeen laba kale ayaa ka dhacay afaafta hore ee xarunta Taraafikada gobolka Nugaal iyo aqalka dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Goob joogayaal ayaa HM u xaqiijiyey in askari katirsan ciidanka dowladdu uu rasaas ku furay gaari ay wateen ciidamo katirsan kuwa dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Askariga kiiskaan geystey oo wata qorigii askariga dhintay ayaa la xaqiijiyey inuu ka baxsaday, waxaana saraakiil aan la xiriirnay ay sheegeen inay baaritaano kala duwan wadaan.