GAROWE: Suldaan Garaase oo amray inaan cidna loo raacan doonin ciddii shaqada ciidanka ka hortimaada.

1 June, 2025

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ayaa…

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee Garoowe iyo falalka ammaanka liddiga ku ah ee ku soo laa laabtay.

Suldaan Garaase ayaa ugu horrayn sheegay in ammaanku yahay Mas’uuliyad wadareed haseyeeshee laamaha ammaanka gobolka Nugaal ay sameeyaan dayacaad xilliyada qaar maadaama hawlgalladoodu ku egyihiin fiidka hore ee habeenkii ayna taasi fursad siisay kooxaha maandooriyaha adeegsada.

“Ma nihin xidid kala xishoonaya anaguna ma rabno in nalooga turo wixii xaq nalooku lee yahay, Ciidamadu gelinka hore ayey meelahaa isbaaro dhigtaan, goortay 11-ka gaarto Magaalada qola kale ayaa la wareegta Ciidamadu ma baqayaan, nimankaas tallaagadduna waa dhibtay laakiin waxba naguma harin oo qoraal dhammaystiran ayaa gobolka iyo degmada yaal”, Ayuu yiri Suldaan Garaase.

Suldaanka ayaa markale yiri,”Ninkii ka horyimaada shaqo maalmeedka ciidanka waxba layska weydiin maayo oo isimada iyo cuqaasha waa laga saxiixay, marka ciidanku waa inay shaqadooda ku dhiiradaan”.