Xildhibaanada Asma Faarax Ismaaciil oo katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa shaacisay inay gurigeeda waxyeelo ka…

Xildhibaanada Asma Faarax Ismaaciil oo katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa shaacisay inay gurigeeda waxyeelo ka soo gaartey rasaas ay iswaydaarsanayeen ciidanka ammaanka saldhigga Galbeed ee Garoowe iyo kooxo isticmaala waxyaabaha maanka dooriya oo habeenimadii xalay weerar ku soo qaaday.
“Xalay Abbaaro 11:30 PM Saldhiga Galbeed ee Garoowe oo aan daris dhow lanahay waxaa ka bilaabatay is-rasaasayn xooggan oo nagu kalliftay dhibaato iyo cabsi ilaa xilligaasna ma aanaan garanayn waxaa sababay, gurigeena waxaa soo galay qaybo kamid ah rasaastii lays waydaarsanayey oo ku dhacday qaybo kamid ah gidaarada iyo albaabada guriga inkastoo Alle mahaddii aysan waxba nagu gaarin, Subaxnimadii saaka waxaa naloo sheegay inay saldhigga soo weerareen koox Cabtooy ah oo hubaysan.
Waxaan ciidanka ammaanka ku ammaanayaa sida ay marwalba ugu taagan yihiin sugidda amniga, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay ku garab siiyaan waajibaadkooda iyo sidii ay u qaban lahaayeen cidkasta oo ku kacda falal nabadgelyada wax u dhimaya”, Ayey tiri xildhibaanad Asma Faarax.
Saldhigga Galbeed ee Garoowe ayaa kamid ah goobaha ay sida rasmiga ah ula wareegeen ciidankii dhawaan tababarku ugu soo xirmay kulliyadda Carmo ee loo xil-saaray sugidda ammaanka guud ee Garoowe.








