Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada…

Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka. Soo dhaweynta ayaa ahayd mid ballaaran oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday bahda ciyaaraha, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaagooda garsooraha.
Intii lagu guda jiray soo dhaweynta, masuuliyiin iyo ciyaartooy hore ayaa ku ammaanay Cumar Cartan kaalinta uu ka qaatay horumarinta garsoorka kubadda cagta Soomaaliya iyo Afrika. Waxay sheegeen in inkastoo uu seegay fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, haddana uu weli yahay astaan sharaf iyo tusaale u ah kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah.
Cumar Cartan ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay si weyn uga dhex muuqday warbaahinta caalamka, kadib markii laga saaray liiska garsoorayaasha ka qayb geli lahaa Koobka Adduunka, sabab la xiriirta in dowladda Maraykanku u diidday dal-ku-galka uu ku geli lahaa dalkaas.
Dhinaca kale, go’aanka lagu celiyey Cumar Cartan ayaa si weyn looga falceliyey guud ahaan dunida, iyadoo ururrada ciyaaraha, warbaahinta caalamiga ah iyo taageerayaasha kubadda cagta ay muujiyeen walaac ku aaddan sida arrintani u saamaysay garsoore loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan qaaradda Afrika.




