Garsoorka Puntland oo digniin u diray shaqsiyaadka dhaliilaha ka faafiya.

15 December, 2025

Xubno katirsan golaha sare ee garsoorka Puntland ayaa digniino adag ka soo saaray shaqsiyaad ay sheegeen…

Xubno katirsan golaha sare ee garsoorka Puntland ayaa digniino adag ka soo saaray shaqsiyaad ay sheegeen inay caadaysteen dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn iyo been abuuro laga faafiyo hay’adaha garsoorka ee Puntland.

Sheekh Siciid Axmed Faarax (TAAJ) oo xubin ka ah golaha sare ee garsoorka Puntland ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin dadka ka faafiya dacaayadaha aan salka iyo raadka toona lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa iska batay dhaliilo aan waxba kajirin oo garsoorka loo jeedinayo, iyada lafteeda waxaan ka soo saari doonaa digniin cad, dadka iska caadaystay inay garsoorka warar aan jirin ku dhaliilaan muddaan u dulqaadanaynay laakiin dulqaad dambe uma yeelan mayno”, Ayuu yiri Garsoorka Siciid Taaj.

Dhanka kalena, garsooraha ayaa sheegay inay sharciga la tiigsanaan cid walba oo war aan jirin ka sheegta garsoorka iyo hay’adaha kale ee dowladda, isagoo ku goodiyey inuusan jirin qof sharciga ka wayn oo mansab looga haybaysan doono.

“Ciddii kasta oo war aan jirin garsoorka iyo hay’adaha kale ee dowladda ka sheegta waxaan u gudbin doonaa xafiiska xeer ilaalinta xilkasta iyo dereja kasta oo uu hayo sharcigaa la marinayaa xilkasta iyo derejo kasta oo uu hayo”, Ayuu yiri markale garsooruhu.