Hay’adda Laanqeyrta Cas ee caalamiga ah ayaa gacanta ku dhigtay saddexdii la haystayaashii ugu horreeyay ee la sii daayay, waxaana loo wareejiyay ciidamada ammaanka Israa’iil ee ku sugan Gaza, sida ay sheegeen ciidammada Israa’iil.

Iyada oo qayb ka ah heshiiska xabbad joojinta, saddex haween ah ayaa la sii daynayey Axaddii si loogu beddelo daraasiin maxaabiis falastiiniyiin ah, oo u badan dumar iyo dhallinyaro.
Xabbad joojinta ayaa la qorsheeyay 8:30 subaxnimo ee xilliga dalkaas, balse dib ayay u dhacday kaddib markii Israa’iil ay diiday in xabbad joojinta la billaabo ilaa laga helayo magacyada saddexda hablood ee la haysto ee la sii daaynayo.
Wajiga koowaad ee xabbad joojinta oo ka kooban saddex toddobaad ayaa ah, siideynta 33 kamid ah la haystayaasha iyo sii deynta boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jira gacanta Israa’iil.
La haystayaasha Xamaas siideyn doonto ayaa isugu jiraya haween, caruur iyo dad da’ ah iyo dhaawacyo. Masiirka 98-ka la haystayaasha Israa’iil ee hadhay ayaan weli la isku afgaran.
Wajiga 1aad waxaa ku jira ka bixitaanka qayb ka mid ah ciidamada Israa’iil ee Gaza si loogu oggolaado qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee soo gala deegaankaas go’doonka ah.
Israa’iil iyo Xamaas ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay bilaabaan wadahadalo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.