Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay jebisay heshiiskii xabbad joojinta Gaza, oo ay la beegsatay Falastiiniyiinta duqaymo xagga cirka ah.

Xamaas waxay ku dhawaaqday in sii daynta la haystayaasha ee la qorsheeyay Sabtida dib loo dhigi doono illaa amar dambe.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaasha harsan kadib markii Sabtidii la soo dhaafay la sii daayay, saddex Israa’iiliyiin ah.
Ku dhawaaqista Xamaas ee ah in ay dib u dhigto sii daynta qorshaysan ee soo socota ee la haystayaasha ayaa timid iyada oo Falastiiniyiinta iyo beesha caalamku ay ka xumaadeen hadaladii u dambeeyay ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in Falastiiniyiinta Gaza laga raro oo dhul kale loo raadiyo oo uu Maareykanka halkaa la wareego.
Dadaal uu ku doonayo inuu ku wanaajiyo xiriirka uu la leeyahay maamulka Trump, madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Isniintii soo afjaray nidaam muran badan dhaliyay oo lacago lagu siin jiray qoysaska maxaabiista Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan kuwa lagu helay weerarro lagu dilay Israa’iil.
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa horey ugu sheegay in “sanduuqa shuhadada” ee Falastiin lagu abaal-mariyo rabshadaha ka dhanka ah Israa’iil.
Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku dhex jira xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay Xamaas ballan-qaadday inay sii deyso 33 la haystayaal ah oo ay ku qabsadeen weerarkoodii Oktoobar 7, 2023, iyagoo ku beddelanaya ku dhawaad 2,000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah.
Dhinacyadu waxay fuliyeen shan isdhaafsi tan iyo markii xabbad joojinta ay dhaqangashay bishii hore, iyagoo sii daayay 21 la haystayaal ah iyo in ka badan 730 maxaabiis falastiiniyiin ah. Isweydaarsiga xiga, oo loo qorsheeyay Sabtida, ayaa dhigayey in la sii daayo saddex kale oo Israa’iil la haystayaal ah oo lagu beddelo boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah.