Gaza: Ururada Gargaarka oo sheegay in markab mucaawino sida lagu weeraray diyaarad drone badda jasiirada Malta

2 May, 2025

Isbaheysiga Freedom Flotilla ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda ay duqeysay diyaarad Drone xili uu marayey biyaha caalamiga ah, markabkaasi oo gargaar u siday Gaza.

Markab sida gargaar bini’aadantinimo oo u rarnaa Qaza ayaa laga soo weeraray hawada meel u dhow Malta, taas oo sababtay dab, sida ay sheegeen Isbahaysiga Freedom Flotilla.

NGO-ga caalamiga ah ayaa sheegay in markabka Conscience lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn xili uu marayey biyaha caalamiga ah wax yar ka dib saqdii dhexe.

“Diyaaradaha hubaysan ayaa laba jeer weerar ku qaaday afaafka hore ee markab rayid ah oo aan hubaysnayn, taasoo keentay dab qabsaday markabka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay NGO-ga.

Waxa ay sidoo kale internetka soo dhigtay muuqaal dabka iyo khasaaraha markabka soo gaaray.

Afhayeen u hadlay Isbahaysiga Freedom Flotilla ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay ” tuhunsan yihiin” in Israa’iil ay ka dambaysay weerarka, balse “aysan xaqiijin karin” si hubaal ah.

Freedom Flotilla ayaa ku baaqday in loo yeero “Safiirrada Israel” oo ay ka jawaabaan go’doominta Gaza ee socota “iyo duqeynta markabka rayidka ah ee biyaha caalamiga marayey.”

Israa’iil si degdeg ah ugamay hadlin dhacdadan.

Kolonyo hore oo Freedom Flotilla ah ayaa la weeraray sanadkii 2010, markaasoo ciidamada Israel ay xoog ku galeen markabka Mavi Marmara, halkaas oo ay ku dileen 10 qof, 28 kalena ay ku dhaawacmeen.