Gegida diyaaradaha magaalada London ee Heathrow ayaa maanta si buuxda shaqadiisa u bilaabay, maalin ka dib markii uu dab xoogan baabi’iyay laydhka, isla markaana xidhay xarunta hawada ugu mashquulka badan ee Yurub, balse shirkadaha diyaaraduhu waxay ka digeen dib u dhac iyo baajin maadaama jadwalku go’an yahay, rakaabkii ay saamaysayna dib loo soo celiyay.

Gegida diyaaradaha Heathrow oo ah kan shanaad ee ugu mashquulka badan adduunka, ayaa lagu waday in jimcaha uu qaado 1,351 duullimaad, kuwaas oo ay ku duulayeen ilaa 291,000 oo rakaab ah. Laakin dabka ka kacay xarun koronto oo u dhaw ayaa ku qasabtay in diyaarada loo weeciyo garoomo kale waxaana duulimaadyo badan oo waqti dheer qaatay ay dib ugu laabteen halkii ay ka dhoofi lahaayeen.
Wasaaradda tamarta ee Britain ayaa Sabtidii sheegtay inay u wakiishay hawlwadeenka nidaamka tamarta ee qaranka inay baadhitaan degdeg ah ku sameeyaan maqnaanshaha.
Khubarada dhinaca duulista ayaa sheegay in markii ugu dambaysay ee garoomada Yurub ay la kulmaan hakad baaxad leh oo intaas le’eg ay ahayd 2010-markii daruur dambas folkaano ah oo Iceland ah oo hakisay ilaa 100,000 oo duulimaad.
Horseed Media