Ciidamada ammaanka ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo horay…

Ciidamada ammaanka ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo horay u soo noqday taliyaha Ciidanka milateriga qaybta 15aad ee dalkaasi.
Gabre oo siweyn uga soo horjeeda hanaanka maamulka kumeel gaarka ah ee Tigreega, ayaa saraakiisha milatarigu ku eedeeyeen inuu sharciga hareer maray, “Ma jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray”.
Sarreeye Guuto Gabre ayaa horay uga horyimid taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda.
Sarreeye guuto Guesh Gebre, ayaa Soomaalidu siweyn ugu xusuusataa maamulkii Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn Boshe wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaad siweyn ugu milmay siyaasadda Soomaalida iyo faragelinta arrimaha maamul ee Soomaalida.



