Gen. Maxamed Jaamac Indhayare, oo kamid ah saraakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kana haddana kamid ah…
Gen. Maxamed Jaamac Indhayare, oo kamid ah saraakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kana haddana kamid ah taliyayaasha sarsare ee Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Sanaag iyo shirka Laascaanood.
Gen. Indhayare oo ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa qaadacay shirka Laascaanood, isagoo caddeeeyey in Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo kooxda la socota aysan matalin goboladaasi.
“Karaamadiina ilaashada haddii aan aadi lahayn Xamar waxay heleen ka badan ayaan heli lahayn laakiin dhuuni-raac ayaanaan ahayn, dalkayaga waa u soo dhimanay Puntland waa niman aan tashanay oo go’aan gaareny”, Ayuu yuri Gen. Indhayare.
Dhanka kalena, Gen. Indhayare oo u jawaabey Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa hordhigay su’aal la xiriirta shirka Laascaanood,”Garaad Cabduullaahi waa yaqaanaa guurtida iyo odayaasha Warsangeli, laakiin waxaan lee yahay Warsangeli dadkii madaxda ka ahaa yaa kaala jooga, hadda dhehdeen Suldaan Siciid idinma matalo yaana matala? waxaan ka xishoonay inaan bariga Sool idiinku yeerno”.




