Taliyaha ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay xerada Ligle ee duleedka Magaalada Garoowe Jimcaale Jaamac Takar, ayaa…

Taliyaha ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay xerada Ligle ee duleedka Magaalada Garoowe Jimcaale Jaamac Takar, ayaa aqbalay inuu dib ugu soo laabto Ciidamada Difaaca Puntland, kaddib muddo uu ka tirsanaa dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.
Jimcaale iyo ciidanka uu hoggaamiyo ayaa guud ahaanba ka tanaasulay go’aankii uu hore ugu biiray dowladda federaalka, iyadoo maalmaha soo socda loo diiwaangelin doono kamid noqoshada ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
Guddi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in khilaafkii xal laga gaarey isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay ciidanka Danab ku biiri doonaan kuwa dowladda Puntland.




