Gen. Jimcaale oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray Puntland & Somaliland.

Taliyaha Guutada Danab ee ciidanka difaaca Puntland Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka hadlay dagaalka ka socda…

21 October, 2025

Taliyaha Guutada Danab ee ciidanka difaaca Puntland Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka hadlay dagaalka ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari iyo heshiiskii dhawaan dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

Gen. Jimcaale ayaa ugu horrayn beeniyey in ciidankiisu aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Cal-miskaad, wuxuuna sheegay in qaybo kamid ah ku dhinteen kuna dhaawacmeen, dagaalkana sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeeri doono.

Dhanka kalena, Taliyaha ayaa sheegay inaysan waxba ka qusayn heshiisyada siyaasiga ah haseyeeshee ay marwalba diyaar u yihiin difaaca deegaamada Maamulka SSC haddii ay dib u soo weerarto xukuumadda Somaliland.

“Ciidankaygu waa ka qayb dagaalka ka socda Cal-miskaad waana mid cadawga Puntland lagula dagaalamayo, dhawaanna waa la soo afmeeri doonaa sidii Madaxweynuhu sheegay, arrinta heshiiska anagu siyaasad kama shaqayno laakiin waxaannu nahay heegan haddii SNM markale soo weerarto gobolka Sool”, Ayuu yiri Gen. Jimcaale.