Gen. Moorgan oo ku geeriyoodey dalka Kenya.

28 May, 2025

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladdii Kacaanka Soomaaliya Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa ku geeriyoodey cisbital…

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladdii Kacaanka Soomaaliya Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa ku geeriyoodey cisbital kuyaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xubno ka agdhaw Marxuumka ayaa xaqiijiyey inuu maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayey dalka Kenya kadib markii uu xanuun kaga soo boodey caloosha xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

AUN Gen. Moorgan oo 1949 ku dhashay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar tababaro sare oo Milatarina ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Italy ayaa soo noqday wasiirka gaashaandhigga dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Siyaad Barre.

Jananka ayaa muddooyinkii dambe fariisin ka dhigtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, wuxuuna kamid ahaa lataliyayaashii sarsare ee Madaxweynaha Puntland u qaabilsanaa arrimaha ciidamada.