Gen. Odawaa oo xilkii laga qaaday iyo Taliye Cusub oo loo Magacaabay.

29 January, 2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa…

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Gen. Ibraahim horey wuxuu u ahaa Taliyaha Taliska Taakulada Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ay soo tababartay dowladda Turkiga.

Inkastoo sabab rasmi ah aan la shaacin, balse  waxaa xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay ciidamada ay ka baxeen deegaano badan oo muhiim ah, taas oo keentay cabashooyin ku saabsan waxqabadka ciidamada.

Taliyaha xilka laga qaaday oo laba mar soo noqday taliyaha milateriga, ayaa lagu beddelay sarkaal da’ yar, taas oo muujinaysa isbeddel lagu sameynayo hoggaanka ciidamada.