Gen. Siciid Dheere oo ka digey in Alshabaab qabsato Magaalada Muqdisho.

26 July, 2025

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Puntland Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere),…

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Puntland Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Taliyaha oo xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb galay Mas’uuliyiin dowladeed, saraakiil ciidan iyo qaar kamid ah bulshada Magaalada Garoowe.

Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa ugu horrayn reer Puntland ku ammaanay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo guulaha laga gaarey ciribtirkooda, wuxuuna siweyn u dhaliilay siyaasadda DFS ku wahayso xaaladda dalka.

“Guulaha la gaarey waa kuwa inta wanaagga jecel farxad u ah, kuwa aan wanaagga jeclaynna murugo u ah, waxaana ku ammaanayaa dowladda, ciidanka iyo shacabka sida ay ugu guntadeen dabar-goyinta cadawga, Madaxweyne Xasan waxaan lee yahay Xamar yaan laynaga qabsan dhulkale haynoo dambeeyee ogow madaxweyne xabad haddii laysugu imaanayo middii hore ayaa laysugu imaan lahaa”, Ayuu yiri Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).