Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, soona noqday taliyaha…

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, soona noqday taliyaha ciidanka difaaca Puntland Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waraysi uu bixiyey isagoo ku sugan Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayuu sheegay inaysan wax dheeraad ah kajirin gobolka Mudug ayna ciidanka Puntland joogaan qayb kamid ah dhulkii ay u dhaarteen difaaciisa, isagoo xusay in cidkasta oo iskudayda inay waxyeellayso ammaanka Puntland meel looga soo wada jeensan doono.
Mar uu ka hadlayey dhaqaalaha ay dowladda federalka ah ee Somalia siiso ciidamo beeleedyada ku sugan Puntland ayuu sheegay inay yihiin dhalinyaro reer Puntland ah oo aan dheef yar dhaafsan doonin dhulkooda haseyeeshee ay jirto caqiiqdo lagu cunayo wixii dhaqaale ah laguna difaacanayo qaddiyadda Puntland.
“Waa jiraan dhawaaqyo yaryar oo baahidu keenayso laakiin dadka Puntland hal wax oo aysan qolada Koonfur Joogta ogayn ayaa jira waana “Lacagi waa cunis, mabdu’una waa difaaca Puntland” marka angu wax belo ah oo difaaca Puntland ku soo wajah ma filayo wiilkaa yarna dadkiisa lacag yar siisan maayo”, Ayuu yiri Gen. Siciid Dheere.
Dhanka kalena, Siciid Dheere ayaa eedayn ujeediyey siyaasiyiin reer Puntland ah oo uu sheegay inay u cuneen hantidii dadka ayna hadda fidno ku ahwlan yihiin,”Dadka arrimahaasi ka shaqaynaya kuwa dabaqyada dhistay ayaa kamid ah, waxaa lay sheegayey kuwa Garoowe kala garan waayey guryihii ay dhisteen.”




