Labo qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari la jiirsiiyey dad ku sugnaa halka ay ka dhacesay dabaaldega Karnifalka ee magaalada Mannheim ee dalka Jarmalka.

Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay magaalada Mannheim ee koonfur-galbeed ee Jarmalka ka dib markii nin darawal ah uu si ula kac ah baabuurkiisa ugu jiiray dad badan, booliska iyo dacwad oogayaasha ayaa sheegay fiidnimadii Isniinta.
Maamulka ayaa tuhmanaha ku sheegay 40 jir Jarmal ah oo ka soo jeeda gobolka ay deriska yihiin ee Rhineland-Palatinate. Waxaa ku socda baaritaan la xiriira dil iyo isku day dil ee weerarkan lagu dhaawacay ugu yaraan 11 kale.
Waxa ay sheegeen in darawalka markii la qabtay uu xabad afka isaga dhuftay isla markaana lagu daweynayo isbitaal.
Dacwad oogaha sare ee dowladda ayaa sheegay in ninkan uu la ildarnaa dhibaatooyin nafsi ah, baarayaashuna ay si dhow u eegayaan arrintaas.