Germany: Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhacay xarunta tareenada ee Hamburg

23 May, 2025

Lix qof ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay xarunta weyn ee tareenada ee Hamburg. Waxaa weli socda Hawlgal weyn ee booliska.

Booliska magaalada Hamburg ee waqooyiga Jarmalka ayaa ka jawaabay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay xarunta tareenka fiidnimadii Jimcaha.

Booliska Hamburg ayaa xaqiijiyay in “dhowr qof” ay ku dhaawacmeen “weerar tooreey” iyo in tuhmanaha weerarka geystay la qabtay.

Saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu liidataa, halka saddex kalena ay si xun u dhaawacmeen, sida ay sheegeen jariirada Bild iyo Hamburger Morgen Post.

Haweeney ayaa la sheegay in loo xiray weerarkan.

Dhacdadan ayaa ah weerarkii ugu dambaysay ee mindi loo adeegsado oo ka dhacay dalka Jarmalka todobaadkan.

Shan qof oo 20 jir ah ayaa ku dhaawacmay, oo afar ka mid ah ay halis yihiin, kadib markii nin u dhashay Suuriya uu subaxnimadii hore ee Axaddii hore weerar ku qaaday baar ku yaalla magaalada galbeedka ku taalla ee Bielefeld.

Eedeysanaha oo 35 jir ah ayaa la xiray waxaana lagu soo oogay afar dacwadood oo isku day dil ah.

Dacwad oogayaasha federaalku waxay la wareegeen baaritaankaas iyagoo sheegay inay rumeysan yihiin in dhacdada “ay ahayd mid diineed oo loo fahmayo inay weerar ku tahay nidaamka asaasiga ah ee dimoqraadiyadda ee xorta ah.”

Dhanka kale, magaalada Berlin, wiil 13 jir ah, ayaa la xiray Jimcihii kadib markii lagu eedeeyay inuu mindi ku weeraray arday 12 jir ah oo ay wada socdeen maalin kahor iskuul ku yaalla degmada Spandau ee magaaladaas.