Germany: Golaha deegaanka oo amar ku bixiyay in la dumiyo masaajid kuyaal Stuttgart

30 July, 2025

Inkastoo uu dhismaha marayo heer gebo-gabo ah, haddana masaajid ku yaalla koonfurta Jarmalka ayaa loo calaamadeeyay in la dumiyo.

Ururka Muslimiinta ee dhistay ayaa diiday in la dumiyo, balse maamulka magaalada ayaa sheegay in ay dacweyn doonaan si loo xaqiijiyo amarkan.

Golaha deegaanka ee magaalada Leinfelden-Echterdingen oo u dhow Stuttgart ee ku taal koonfur-galbeed ee Jarmalka ee Baden-Württemberg ayaa amar ku bixiyay in la dumiyo masjid ku dhowaa in la dhammeeyo.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku sheegay in Jamciyadda Islaamiga ah ee ka dhisan magaalada Cologne ee dhistay Masjidka ay tahay in sanadka dhamaadkiisa ay dumiso, qarashkeedana ay ku bixiso.

Ururka Xarumaha Dhaqanka Islaamka (VIKZ) ayaa la siiyay xaqa ay ku dhisayaan masjidka Leinfeld-Echterdingen sanadkii 2014.

Si kastaba ha ahaatee, ururka ayaa loo sheegay in dhismahan lagu soo gaba-gabeeyay afar sano gudahood, taasoo ah waajib ay gudan waayeen.

Markii VIKZ dhaaftay xadka qandaraaska, mas’uuliyiinta Leinfelden-Echterdingen waxay qaadeen tillaabooyin sharci ah si ay ugala noqdaan ogolaanshaha dhismaha, ayuu yiri maamulka.

Goluhu wuxuu sheegay inuu gacan ka geysan doono sidii loo heli lahaa goob cusub oo masaajidka laga dhiso.

Maxkamadda Federaalka ee Dastuuriga ah ee Jarmalka ay soo faragelisay kiiskan bishii Janaayo 2024.

Markii wadahadalo kale oo lagu xalinayey xaalada lagu guul dareystay, goluhu wuxuu amray in la dumiyo.

In kasta oo goluhu uu sidoo kale u codeeyay in ururka Islaamka laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen goob kale oo laga dhiso masaajid cusub, haddana ururka muslimiinta ee VIKZ waxa ay sheegeen in aanay dumin doonin dhismaha.

“Anaga, Ururka Xarumaha Dhaqanka Islaamka (VIKZ), sida uu qabo ururkayaga maxalliga ah ee Leinfelden-Echterdingen, ma ogolaan karno burburinta masjidka. Ma fulin karno dalabkaas,” afhayeen u hadlay VIKZ ayaa u sheegay wargeyska maxaliga ah ee Stuttgarter Nachrichten.

Duqa magaalada Otto Ruppaner ayaa u sheegay wargeyska in magaaladu ay si fudud u dhaqan galinayso shuruudaha qandaraaskii asalka ahaa “in uu diyaar u yahay in uu kiiska maxkamada markale geeyo” hadii loo baahdo.