Germany: Weerar Rasaas oo ka dhacay bannaanka maxkamadda Bielefeld

26 February, 2025

Labo qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii rasaas lagu furay bannaanka dhismo maxkamadeed oo ku yaalla magaalada Bielefeld ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka.

Labo qof ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah uu aad u liito ka dib markii xabad lagu furay bannaanka dhisme maxkamadeed oo ku taalla magaalada Bielefeld ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka. Hal tuhmane ayaa la xiray.

Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha, bartilmaameedyada toogashada ayaa la sheegay inay ahaayeen Ehelada Eedeysane kamid ahaa Eedeysanayaasha Dacwad dhageysigeeda ay ka socotay gudaha Maxkamadda.

Afhayeen u hadlay maxkamadda ayaa sheegay in toogashada dhacday wax yar ka dib markii ay dhammaatay dhageysiga dacwadda laba nin oo ku saabsan dhimashada Besar Nimani, oo ahaan jiray feeryahan xirfadle ah.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee dpa, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo Booliska, ayaa sidoo kale ku warantay in dhacdadan lala xiriirinayo Kiiskaasi.

Kiiskan, laba nin ayaa lagu eedeeyay inay 16 xabbadood ku dhufteen Nimani, iyagoo dilay xilli uu ka soo baxay dukaan timo-jare ah oo ku yaalla magaalada.

Dhageysiga dacwadda ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay ilaalinayaan dhismaha maxkamadda iyo dadka soo booqday, marqaatiyaasha iyo wariyeyaasha.