Nin u dhashay dalka Afganistan ayaa la xiray kadib markii uu gaari ku jiiray koox dad ah oo ku sugnaa magaalada Munich maanta oo Khamiis ah, waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 28 qof.

Booliisku waxay xireen nin qaxooti ah oo kasoo jeeda Afgaanistaan oo ku sugnaa goobta, dowlada Jarmalku ayaa falkan ku tilmaamay “weerar” oo ay ku dhaawacmeen 28 qof, oo qaar kamid ah uu dhaawacooda halis yahay, weerarkan oo ka dhacay koonfurta magaalada Munich maanta.
Gaadhigan oo noociisu ahaa Mini Cooper, ayaa waxa uu dhexgalay dad waday banaanbax ay dhigayeen qaar kamid ah ururada shaqaalaha, waxaana la arkayay dhaawacyo iyo agabkii ay wateen oo daadsan wadada.
Booliiska oo markiiba goobta soo gaadhay ayaa rasaas ku furay gaadhiga, waxaanay xidheen darawalkii oo ahaa 24 jir magangalyo doon ah oo u dhashay dalka Afganistan, kaas oo warbaahinta Jarmalku ay magaciisa ku sheegtay Farhad N.
Raysalwasaare Olaf Scholz ayaa cambaareeyay weerarkan wuxuuna ballan qaaday cawaaqib xun.
Weerarkan ayaa yimid maalin kahor shir si weyn loo hadal hayay oo dhanka amniga ah oo ka dhacaya magaalada, waxaana dalkaasi sidoo kale ka socday doodo kulul oo dhanka qaabilaada qaxootiga ah kahor doorashada 23-ka Febraayo, wadankaasi oo ay horey uga dhaceen weeraro kan lamid ah.