Xisbiga muxaafidka ah ee CDU/CSU ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka, walow aysan helin aqlabiyad buuxda.

Ururka Christian Democrats (CDU) iyo xisbiga mataankooda Bavarian ee Christian Social Union (CSU) ayaa helay kuraasta ugu badan.
“Waxaan ku guuleysanay doorashadii federaalka ee 2025,” ayuu ku dhawaaqay Friedrich Merz, hogaamiyaha CDU iyo musharraxa xisbiga Midowga.
Waxay xaqiijisteen 28% ee codbixinta – kuma filna inay keligood maamulaan xukuumada oo waxay u baahnaan doonaan isbaheysi ay u helaan aqlabiyadda Baarlamaanka.
Xisbiga xaakimka SPD ayaa kaalinta saddexaad galay iyagoo helay 16% cododka oo ah jabkii ugu weynaa ee taariikhda xisbigaasi.

Kaalinta labaad waxa galay xisbiga xagjirka midigta fog ee (AFD) oo helay 20% cododka, xisbigan oo lagu tilmaamo cunsuri ayaa doonaya in lagu daro isbaheysiga xukuumada cusub.
Friedrich Merz, hogaamiyaha CDU ayaa sheegay inuusan dooneyn in uu hada isbaheysi la sameysto xisbiga cunsuriyiinta ee AFD ee kaalinta 2aad galay.



