Ghana oo ogolaatay inay aqbasho dadka Galbeedka Afrika ee laga soo tarxiilayo Maraykanka

Kooxdii ugu horreysay ee dadka kasoo jeeda Galbeedka Afrika oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa la geeyey Ghana.

11 September, 2025

Ghana waxay ogolaatay inay aqbasho dadka Galbeedka Afrika ee laga soo tarxiilay Mareykanka, Madaxweynaha Ghana John Mahama ayaa sheegay.

Mahama waxa uu sheegay in Ghana ay ogolaatay inay qaabilaan dadka u dhashay Galbeedka Afrika, halkaas oo heshiis gobolku uu ogol yahay inay fiis la’aan ku safraan.

“Mareykanka ayaa nala soo xiriiray si aan u qaabilno dadka dhalashada shisheeye heysta ee laga soo saarayo Mareykanka. Waxaana ku heshiinnay in muwaadiniinta Galbeedka Afrika ay yihiin kuwo la aqbali karo,” ayuu yiri Mahama.

“Dufcaddii ugu horreysay” oo ka kooban 14 qof, oo ay ku jiraan dhowr Nigerian ah iyo mid Gambian ah, ayaa la keenay Ghana, ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Mareykanka wuxuu uu isku dayay in uu heshiis la galo wadamo badan oo Afrikaan ah oo ku saabsan qaabilaada dadka la tarxiilayo taas oo qayb ka ah ololihiisa lagu xakameynayo socdaalka iyada oo loo marayo weeraro iyo masaafurin heersare ah.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, dhowr qof oo soo galooti ah oo aan sharci heysan ayaa waxaa la geeyo Rwanda, Eswatini iyo South Sudan.

Waxaa xusid mudan, heshiiska masaafurinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Ghana waxa uu yimid iyada oo la kordhiyey tacriifadaha badeecadaha Ghana iyo xayiraadaha fiisaha ee muwaadiniinta Ghana.