Go’aankii Madaxweynaha Puntland ka qaatay khilaafkii hay’ada PSF

Published: March 4, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo khamiistii shalay kulamo kala duwan la qaatay Issimada iyo Taliyaha Hay’ada PSF Gen.Maxamuud Cismaan ayaa ugu danbeyntii soo saaray go’aano cusub oo uu ku magacaabo Taliyayaasha ciidamada Komaandooska iyo Sirdoonka Puntland.

Go’aankan ayaa la sheegay inay si weyn uga shaqeeyeen issimada doonayey in xal laga gaaro dagaaladii ka dhacay magaalada Bosaaso ee ka dhashay duulaankii ciidamada Dowlada ku qaadeen hay’ada PSF oo xarunteedu tahay caasimada ganacsiga Puntland.

Sida ka Muuqata qoraalka soo baxay hay’adii PSF ayaa laga dhigay (Puntland Security Commando Forces) oo uu madax u yahay Taliyaha horey xilka u hayey ee Gen.Maxamuud Cismaan Cabdullahi.

Halka Agaasimihii uu Deni horey ugu magacaabay hay’adaasi hada loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa u qornaa sidatan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022,

Wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *