War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 4 xubnood oo…

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 4 xubnood oo katirsan Alshabaab caawa lagu gubey gaari ay wateen duleedka deegaanka Yasooman.
“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo gubay gaari ay wateen kadib markii jidka loo galay iyagoo u socda inay dhibaateeyaan oo jidka u galaan gaadiid ay wateen dad shacab ah”, Ayaa lagu yiri warbixinta.
War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray,”Howlgalkaas oo sidii loo qorsheeyey u dhacay ayey ciidanku caawa ka fuliyeen inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay heleen xogta maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo dhaqdhaqaaqooda horay loola socday.”



